“Higuain waa uu u qalmaa 90 milyan laakiin lama mid ahan Ronaldo” – Mauro Icardi

Higuain is worth €90m, but nobody matches Ronaldo - Icardi

(Milan) 14 Sebt 2016 Weerar yahanka kooxda Inter Milan Mauro Icardi ayaa ka hadlay lacagtii Juventus ay ku soo iibsatay weerar yahaka ay isku dalka yihiin ee Gonzalo Higuain.

Mauro Icardi ayaa sheegay in Higuain uu u qalmo lacagihii Juventus ay ku soo iibsatay oo ahayd 90 milyan oo euro maadama uu dhaliyay 36 gool xiliciyaareedkii hore.

Balse Icardi ayaa aaminsan in weerar yahankii hore ee Inter Milan iyo xulka Brazil Ronaldo uu yahay weerar yahankii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta.

“Higuain waa uu u qalmaa lacagtii Juventus ay ku soo iibsatay isaga, 36 gool ayuu dhaliyay xiliciyaareedkii hore” ayuu u sheegay saxaafada.

“Ra’yi ahaantayda ma jiro qof lamid ah Ronaldo, waa weerar yahankii ugu fiicnaa ee taariikhda kubadda cagta” ayuu sii raaciyay.

Waxaa xusid mudan in Higuain iyo Icardi ay isaga hor imaan doonaan axada kulan dhex mari doona kooxaha Juventus iyo Inter ee horyaalka talyaaniga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close