Carlos Bacca oo ka hadlay sababtii uu isaga diiday inuu ku biiro West Ham United

AC Milan's Carlos Bacca (L) in action with Udinese's Emmanuel Agyeman

(Milan) 14 Sebt 2016 Weerar yahanka kooxda AC.Milan ee Carlos Bacca ayaa ka hadlay sababtii ku kaliftay inuu iska diido dalab qaali ah oo uga yimid kooxda West Ham United ee dalka ingiriiska.

Bacca ayaa sheegay in West Ham United ay ka soo gudbisay dalab aad u fiican, balse uu ka baqay dhibaatada nololeed ee qoyskiisu uu wajahayo maadama uusan haysan Passport-ka yurub.

“Dalabka West Ham ay iga soo gudbisay wuxuu ahaa mid aad u fiican sidaan rumaysanahay” ayuu u sheegay Bacca idaacada dalka Spain ee Cadena Ser.

Carlos Bacca of Colombia celebrates his first half goal against the United States during the 2016 Copa America Centenario third place match at University of Phoenix Stadium on June 25, 2016 in Glendale, Arizona.

Carlos ayaa intaa ku daray inuu ka fikiray qaabka qoyskiisu ay ugu noolaan karaan ingiriiska dhibaato la’aan maadama uu yahay laacib ka soo jeeda koofurta amerika isla markaana aan haysan Passport-ka yurub.

West Ham United ayaana ugu danbayntii u weecatay weerar yahankii Juventus ee Simone Zaza kaas oo amaah ugu biiray iyaga oo wada iibsan kara dhamaadka xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close