Sunderland oo heshiiska u kordhisay Daafeceeda Lamine Kone

_91191789_laminekonegetty3

(London), 14 Sebt 2016     –Kooxda Kubadda Cagta Sunderland ee Waddanka Ingiriiska ayaa heshiis 5 sanadood ah u kordhisay daafeceeda Lamine Kone.

27 sano jirkan u dhashay Waddanka Ivory Coast ayaa la saadaalinayay in Bishii August ee la soo dhaafay uu isaga tegi lahaa kooxdaasi si uu ugu biiro kooxda Everton, balse taasi ma dhicin.

“Lamine waa ciyaaryahan muhiim u ah naadigan, mar hore ayaana arrintaasi u caddeeyay” sidaa waxaa yiri tababaraha kooxda Sunderland David Moyes.

Kone waxaa soo xero geliyay tababare Moyes oo isagu xilka kala wareegay macallinkii hore ee Sam Allardyce.

Sunderland waxa ay kaalinta labaad ee xagga hoose kaga jirtaa kala sarreynta kooxaha Horyaalka Ingiriiska.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close