Pepe; “Waxaan doonayaa inaan ciyaarahayga ku dhameysto Real Madrid”

pepe_reuters_m

(Madrid), 13 Sebt  2016   –Daafaca xulka Bortuqiiska iyo kooxda Real Madrid, Pepe oo ku jira sanadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa naadigaasi ayaa sheegay in uu jecel yahay in ciyaarihiisa uu ku soo geba gebeeyo Madrid.

Isagoo la hadlayay Barnaamijka ‘El Larguero’ ee ka baxa ‘Cedena Ser’ ayaa waxa uu Pepe sheegay in aysan qorshaha ugu jirin marnaba inuu ka tago Real Madrid.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan ciyaarahayga ku dhameysto Real Madrid” ayuu yiri laacibkan 33 jirka ah.

“Joogitaanka Real Madrid ayaan ku faraxsanahay, gabadhaydu halkan ayay iskool ka dhigataa, aniga ahaantayda go’aankani waa mid fudud” ayuu sii raaciyay.

“Haddii intii karaankayga ah aan siiyo Real Madrid, kooxdu way arki doontaa arrintaasi waxaana ku rajo weynahay in ay arrintan xallin doonaan” ayuu ku soo geba gebeeyay Pepe oo ku rajo weyn inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close