Lionel Messi oo RIKOODH aan horey loo dhigin ka dhigay tartanka Champions League

mesi

(Catalonia) 13 Sebt 2016. Lionel Messi ayaa taariikh cusub u dhigay tartanka Champions League kaddib saddexleey uu ka dhaliyay kooxda Celtic kulan iminka ku dhex maraya Camp Nou.

Labo gool uu dhaliyay qeybta hore ee ciyaarta iyo gool uu dhaliyay qeybtii labaad ayaa ka dhigeysa in Lionel Messi uu dhaliyay Saddeleydiisii (Hat-trick) 6-aad ee tartanka Champions League.

Waxayna taa ka dhigan tahay inuu noqday laacibkii ugu horreeyay ebid taariikhda ee Champions League ka dhaliya LIX saddexleey.

Barcelon ayaa iminka kulanka ku hogaamineysa shan gool iyo waxba.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close