CHAMPIONS LEAGUE (Group C): Barcelona oo si xun u ihaaneysatay Celtic, Messi oo saddexleey ka kacay..(Iyo kulankii Man City oo baaqday)+SAWIRRO

(Europe) 13 Sebt 2016. Barcelona ayaa goolal roobka uga dhigtay kooxda Celtic oo marti ugu ahayd gegada Camp Nou oo ay ku xaaqday 7-0.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Saddex daqiiqo oo qura markii ay socotay ciyaarta Lionel Messi ayaa hogaanka u dhiibay Barca kubbad uu ka helay Neymar ayuu laad kulul dhex dhigay shabaqa isagoo taagan meel aan ka fogeyn goolhayaha.

Celtic ayaa iska khasaarisay fursad ay ku bar-bareyn kartay ciyaarta oo waxaa rigoore iska khasaariyay Moussa Dembele daqiiqadii 24-aad kubbad lagu galay isla isaga.

Daqiiqadii27-aad Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolka labaad ee kulanka kubbad ay si qurux badan ay isugu dhiib-dhiibteen Neymar ayuu ku taabtay shabaqa.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 50-aad Neymar oo caawiyay labadii gool ee hore ayaa dhaliyay free kick ama laadka xorta ah waxa oo yaqaano.

Iniesta oo badel ku yimid ayaa dhaliyay goolkii afaraad ee Barca kubbad dhul ma dhacdo ah ayuu dhaliyay waxaa jaf u soo qaaday Neymar.

Neymar ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ee afar caawin ah ka sameeya Champions League tan iyo 2012 waxaa sidaa sameeyay Zlatan Ibrahimovic.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii saddexaad kubbad uu bannaanka soo dhigay Luis Suarez ayuu isagoo soo jiiftay ku taabtay shabaqa.

Barcelona ayaa lixeysatay waxaana goolka lixaad u dhaliyay Luis Suarez waxaana  markale caawiyay goolka Neymar daqiiqadii 75-aad, Neymar ayaa kubbada u soo bootiyay Suarez oo isna inta xabad saartay isla laabay laad kulul wuxuu ahaa gool qurxoon.

Dhammaadkii ciyaarta Luis Suarez ayaa dhaliyay goolkiisii labaad iyo goolkii 7-aad ee Barcelona kubbad uu bannaanka u soo dhigay Messi ayuu isagoo isa soo taraarixiyay ku taabtay.

Dhanka kale waxaa baaqday kulankii Man City iyo Borussia Moenchengladbach oo goup C kala tirsanaa Barcelona sababo la xiriira roob xoogan oo ka da’ayay Manchester.

Waa guul darradii ugu wayneyd Celtic ee ka soo gaadha tartanka Champions League.

SAWIRRO:

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/21/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/21/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/21/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/21/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/21/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/21/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/20/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/20/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/19/

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2016/09/13/19/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close