“Real Madrid way ku guuleysan doontaa La Liga kal ciyaareedkan.”. Cristiano Ronaldo

ronaldo

(Madrid) 12 Sebt 2016. Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaan shaki badan ka qabin in kooxdiisu ay caddeyn doonto inay aad ugu xoog badnaan doonto kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid tartanka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Madrid ayaa waayahan ka qadsan horyaalka La Liga oo markii ugu dambeysay ay ku guuleysato wuxuu ahaa olalihii 2011-12.

“Waxaan doonayaa inaan ku guuleysto dhammaan koobabka suuro galka ah, waxaana jeclaan lahaa inaan ku guuleysto La Liga,” Ronaldo ayaa sidaa u sheegay saxaafadda.

“Waa koob aan ku raad joogi doonno kooxduna waxay u muuqataa mid fiican oo adag, si fiican ayaan ku bilaabanay waxaana rajeynayaa inaan sidaa ku sii socono.

“Waa tartan dheer, laakiin waxaan ku qanacsanahay inaan ku guuleysan doono sanadkan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close