Mauro Icardi oo buuga taariikhda ka galay Inter Milan kaddib markii uu ka sara maray Ronaldo

iiiii

(Milano) 12 Sebt 2016. Mauro Icardi ayaa galay buuga taariikhda ee kooxda Inter Milan kaddib markii uu ka sara maray rugcadaagii reer Brazil ee Ronaldo.

Kabtanka Inter ee Icardi ayaa dhaliyay kulankii xalay labo gool taa oo la micno ah inuu urursaday 50-gool uu kooxdan u dhaliyay horyaalka Talyaaniga taa oo la micno ah inuu hal gool dheeraaday Ronaldo oo rikoodhkan heystay.

PESCARA, ITALY - SEPTEMBER 11: Mauro Icardi of FC Internazionale (R) celebrates after scoring the second goal during the Serie A match between Pescara Calcio and FC Internazionale at Adriatico Stadium on September 11, 2016 in Pescara, Italy. (Photo by Claudio Villa - Inter/Inter via Getty Images)

Weeraryahanka reer Argentina ayaa Sampdoria uga soo biiray Inter Milan sanadkii 2013 wuxuuna tan iyo markaa u dhaliyay 50-gool horyaalka Serie A.

Labadii gool uu xalay Icardi u dhaliyay Inter Milan ayaa ka saaciday inay guul ka gaaraan Pescara oo gool ku hogaamineysay.

Ronaldo oo lacagihii ugu badnaa waqtigiias ugu soo biiray Inter Milan 1997-dii ayaa heystay rikoodhkan isagoona dhaliyay 49-jeer inkastoo markii dambe ay dhaawacyo wareeriyeen.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close