John Terry oo dib uga soo laabtay garoonka Swansea City isagoo BIRO ku kutubaya…(Waa sidee xaalkiisa kulanka Liverpool?)+SAWIRRO

(England) 12 Sebt 2016. Inay xalay guul ka gaari waysay Swansea City waxaa Chelsea u dheer inuu dhaawac ka soo gaaray kabtankooda khabiirka ah ee John Terry.
Dhammaadka kulankii xalay ay Blues bar-baraha 2-2 la dhaafi waysay Swansea City ayaa la arkayay kabtan John Terry oo la dhutinaya dhaawac soo gaaray, waxaase ka dambeysay in iminka la soo sawiray isagoo biro ku kutubaya.
Waxaa shaki wayn ku jiraa in Terry uu ka soo muuqan karayo kulanka Liverpool ee soo aadan taa oo fursad siineysa David Luiz oo laga yaabo inuu ka soo muuqdo Chelsea kulankiisii ugu horreeyay tan iyo sidii uu dub ugu soo laabta Stamford Bridge.
SAWIRRO:
Gool FM.