Ilkay Gundogan oo lagu wado inuu habeen dambe u safto Man City kulankiisii ugu horreeyay

dd

(Manchester) 12 Sebt 2016. Ilkay Gundogan ayaa kulankiisii ugu horreeyay u safan karaya Man City habeen dambe marka ay ciyaareyso tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Xiddigii hore ee qadka dhexe naadiga Dortmund ayaa xilli ciyaareedkii tagay la dhibtoonayay dhaawac kala bax jilibka ah wuxuuna garoomada ka maqnaa tan iyo bishii May.

“Ilkay si fiican ayuu dhab ahaan sameynayay tababarka inuu dib ugu soo laabto taam ahaanshaha kulanka, wuxuuna u muuqdaa inuu fiican yahay,” Ilo wareedyo laga helay City ayaa sidaa lagu yiri.

Ilkay Gundogan will also have to wait to make his Man City debut due to injury

“Si fiican ayuu tababarka u qaadanayay sabtidii iyo axadii, tijaabo kama dambeys ayaana la marsiin doonaa subaxa talaadada, laakiin wax kasta way fiicnaayeen wuxuuna safan doonaa kulankiisii ugu horreeyay.

“Waxaa la arkaa inuu keydka ku soo bilowdo, laakiin wuxuu soo gali karaa ugu yaraan daqiiqado yar, xitaa waa lagu soo bilaabi karaa.

City ayaa rajeynaysay in 25-jirka reer Germany uu kulankiisii ugu horreeyay ee City ka soo muuqdo ciyaartii Derby Mancehster, balse Pep Guardiola ayaan doonin inuu riski galiyo.

Yeelkeede, Gundogan ayaa lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horreeyay ee Man City uu noqdo kulanka habeen dambe ay Champions League la yeelan doonto kooxda Borussia Moenchengladbach.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close