“Go’aankii ugu xumaa nolosheyda waa inaan ku biiray Liverpool.”. Mario Balotelli oo  furka tuurtay

mario

(Nice) 12 Sebt 2016. Mario Balotelli ayaa si qurux badan ku bilowday waayihiisa horyaalka Faransiiska kaddib markii uu kooxdiisa Nice ka caawiyay guul wayn ay ka gaartay kooxda Marseille isagoo u dhaliyay labo gool, balse wuxuu muujiyay inuu ka qoomameynayo ama ka shalaynayo inuu ku biiray Liverpool.

Jurgen Klopp ayaa u sheegay Mario Balotelli inuu raadsado koox cusub uu ku biiro kaddib markii uu dheeri ku noqday kooxdiisa.

csgzrvawyaajqzd

Mario ayaa helay kooxda Nice ee dalka Faransiiska isagoona durba labo gool u dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay.

“Wuxuu ahaa qaladkii ugu xumaa ee nolosheyda inaan ku biiray Liverpool,”. Balotelli ayaa sidaa u sheegay Canal Plus ciyaarta kaddib.

“Ma jecli kooxda marka laga reebo taageerayaasha, kuwaa oo ii ahaa kuwa cajiib ah, waa inaan noqdaa mid daacad ah, iyo ciyaartoyda kuwaa oo aan xiriir fiican la lahaa.

“Waxaan lahaa labo tababarayaal Brendan Rodgers iyo Jurgen Klopp. Sida dadka oo kale aragti fiican igama ay qaadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close