Mihajlovic oo durbaba la dhacay goolhaye Joe Hart

Image result for Joe Hart Torino fc

(Torino) 11 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Torino Mihajlovic ayaa muujiyay sida uu ula dhacsanyahay hab dhaqanka goolhayaha xulka ingiriiska ee Joe Hart.

Goolhayahaan ayaa amaah ugu soo biiray kooxda Torino dhamaadka suuqii xaggaaga markaas oo tababare Pep Guardiola uu u sheegay inuu raadsado koox uu ka heli karo boos joogto ah.

Mihajlovic ayaa sheegay in Joe Hart oo durbadiiba xiriir fiican ka dhex sameeyay ciyaartoyda kooxda ka hor kulanka maanta ay u safrayaan kooxda Atalanta.

“Waan ku faraxsanahay Hart, xiriir fiican ayuu ka dhex sameeystay ciyaartoyda kale ee kooxda isaga oo kula hadlaya luuqada talyaaniga” ayuu yiri Mihajlovic.

“Hart xoogaa ayuu ku hadlaa talyaaniga, wuxuu bartay 40 ilaa 50 kalimad oo uu kula hadli karo difaacyada, dhabtiina tababarka ayuu sidaas ku sameeyay”.

“Waan la hadlay isaga ka hor intii uusan noo saxiixin waayo waxaan doonayay inaan fahmo aqligiisa, balse waxaan ka helay ififaalo wanaagsan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close