Waa maxay sababta Mourinho uu shaxdiisa ugu soo bilaabay Mkhitaryan iyo Lingard? isaga ayaa ka jawaabaya

(Manchester) 10 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Man United Jose Mourinho ayaa sharaxaad dheer ka bixiyay sababta uu shaxdiisa ugu soo bilaabay Henrikh Mkhitaryan iyo Jesse Lingard.

Jose Mourinho ayaa sheegay inuu u doortay shaxdiisa si uu u joojiyo qatarta kooxda Man City, wuxuuna intaa ku daray in hamigiisu uu yahay in City aysan fursad u helin inay weerar ka soo qaado dhanka garbaha.

Mkhitaryan iyo Valencia ayaa isla saaran hal garab waxayna caawin muuqata ka helayaan Fellaini kaas oo u xilsaaran joojinta qatar walba oo ka soo gudubta Mkhitaryan.

Garabka kale waxaa kuwada lamaansan Shaw iyo Lingard kuwaas oo caawin ka helaya laacibka ugu qaalisan aduunka ee Paul Pogba.

“Bal aan aragno haddii garabyada Man City ay u soo weecdaan dhexda, taas waa fikirka kooxdayda, waxaan doonaynaa inaan ku qasabno garbaha City inay soo galaan gudaha qadka dhexe” ayuu yiri Mourinho.

“City waa koox xawaare badan, laakiin qaab ciyaareedkeena ayaan ku weerari doona, kulankaan wax badan kama gadisnaan doono kulankii hore (Hull City)”.

“Waxaan rabaa in ciyaartu ay u socoto sidaan rabo, Martial iyo Rashford ayaa keydka noofadhiya, ma jirto wax aan ka baqayo”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close