SERIE A: Juventus oo jid mar ka dhigatay Sassuolo….(Higuain oo dhaliyay labo gool oo caaqibo leh)+SAWIRRO

(Torino) 10 Sebt 2016. Juventus ayaa si sahlan ku martay kooxda Sassuolo oo marti u ahayd iyadoo kaga adkaatay 3-1.

Qeybtii hore ee ciyaartan ayaa lagu kala maray 3-1.

5-daqiiqo oo qura ayay ku qaadatay in Gonzalo Higuain uu hogaanka u dhiibo kooxdiisa cusub ee Juve, Paulo Dybala ayaa dhexda ka siiyay kubbad isna inta jiiday ayuu dhinac ka dhigay goosha.

5-daqiiqo kaddib Higuain ayaa dhaliyay goolkiisa labaad iyo goolka labaad ee kulanka kubbad uu madaxa ugu wareejiyay Semi Khadira ayuu isla laabay wax u muuqday DHABAL oo waliba darbo kulul ah.

Daqiiqadii 27-aad Miralem Pjanic ayaa goolkiisii ugu horreeyay u dhaliyay kooxdiisa cusub kubbad uu madaxa galay ayaa birta kaga dhacday isla isagii ayaana ku celiyay oo sidaa gool ugu badelay.

Luca Antei ayaa gool u soo guday kooxdiisa Sassuolo daqiiqadii 33-aad.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta ayay labada kooxood kari waayeen inay goolal dhaliyaan iyadoona ciyaarta ku soo idlaatay 3-1.

SAWIRRO:

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

csaal1_wiaacsft

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close