RASMI: Difaacii diiradda u saarnaa Man United ee Fabinho oo heshiis cusub qalinka ugu duugay kooxdiisa AS Monaco

 cr6x5-nwcaaas_p

(Monaco) 10 Sebt 2016 –  Difaacii dirradda u saarnaa Man United, kaasoo bishii Janaayo bartilmaameed u ahaa  Jose Mourinho ee Fabinho ayaa heshiis cusub oo waqti dheer qalinka ugu duugay kooxdiisa Monaco.

AS Monaco oo ka war haysay xiisaha difaaceeda 22-jirka ah ay u haysto Manchester United ayaa heshiis shan sanadood ah ka saxiixatay wiilka reer Brazil, taasoo meesha gabi ahaanba ka saaraysa xiisaha xiddigan ee Man United.

Hadda Mourinho waxaa kooxdiisa difaac midig uu ka ciyaarsiiyaa Antonio Valencia waana doorashada kaliya ee uu haysto marka laga reebo Darmian oo uu doonayo in uu iska iibiyo.

Monaco ayaa xaqiijisay in difaacan boosaska badan ka dheela uu qalinka ugu duugay heshiis cusub oo ku eg ilaa 2021, si ay uga ceshato kooxaha doonaya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close