LA LIGA: Barcelona oo guul darro lama filaan ah ka soo gaartay Alaves xilli ay ku ciyaareysay garoonkeeda…+SAWIRRO

(Catalonia) 10 Sebt 2016. Naadiga yar ee Alaves ayaa guul darro lama filaan ah Camp Nou ku dha-dhansiisay maqaawiirta Barcelona oo ay kaga adkaatay 2-1.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Alaves.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta bilowgeedii Jeremy Mathieu ayaa goolka u bar-bareeyay Barca daqiiqadii 47-aad karoos uu soo qaaday Neymar ayuu madaxa ku dhaliyay.

Ibai Gomez ayaa markale hogaanka u dhiibay Alaves isagoo ka faa’iideysatay khalad uu sameeyay Jaiver Mascherano.

Barca ayaa waxaa badel ugu soo wada galay qeybtii labaad Iniesta, Suarez iyo Lionel Messi balse baas badan iyo weerar badan kaddib waxba ma aysan soo kordhin oo waxaa looga adkaaday 2-1.

SAWIRRO:

bar

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

https://pbs.twimg.com/media/

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close