HOR DHAC: Barcelona Vs. Alaves

barcelona-vs-deportivo-alaves-768x475

(Catalonia) 10 Sebt 2016. Barcelona waxa ay soo dhaweyn doontaa Alaves oo ololahan ka soo baramoostay horyaalka heerka labaad ee Spain.

Neymar ayaa dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ku soo guuleystay biladda dahabka ah ee Olombikadii lagu qabtay Rio, Brazil.

 

WARARKA LABADA NAADI

– Andres Iniesta and Andre Gomes labadoodaba shaki ayaa ku jira.

– Denis Suarez ayaa ka muuqan kara khadka dhexe.

-Lionel Messi gumaarka ayaa laga hayaa balse Luis Enrique waxa uu xaqiijiyey in uu ciyaari doono.

-Neymar wali lama door bidi doono madaama uu dhawaan ka soo laabtay Brazil.

-Alaves mushaakil badan oo safkeeda ah ma haystaan.

 

LA SOCO.

-Barcelona waxa ay badisay 29 kamida 34-tii kulan ee ay horyaalka garoonkeeda ku dheeshay.

-Kulamada horyaalka ee dhexmara Alves iyo Barcelona, lixdii  ugu dambeeysay waxaa guuleysatay Barcelona.

-7-dii kulan ee ugu dambeeysay Barcelona 6 ka mida shabaqeeda ayey ilaashatay.

 

SAFAFKA LA FILI KARO

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, Umtiti, Alba; Busquets, Rakitic, D.Suarez; Turan, Suarez, Messi

Alaves: Pacheco; Femenia, Alexis, Laguardia, Garcia; Manu Garcia, Torres; Mendes, Krsticic, Gomez; Deyverson

Gegida: Camp Nou

Saacadda Geeska Africa: 9:30Pm

Dhex dhexaadiyaha: Mario Meler

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close