HOR DHAC: Arsenal Vs. Southampton

arsenal-v-southampton

(London) 10 Sebt 2016. Arsenal waxa ay galabta soo dhaweyn doontaa Southampton kulanka afraad ee Premier League.

Arsene Wenger waxaa la filayaa in uu safo saxiixyadiisa cusub ee uu daba yaaqadii kala soo wareegay Deportivo La Coruna iyo Valencia.

 

WARARKA LABADA NAADI

– Lucas Perez iyo  Shkodran Mustafi labaduba  waxa ay diyaar u yihiin in ay u saftaan Arsenal markii ugu horreeysay kaddib markii ay gaba gabadii suuqa ku soo biireen.

– Per Mertesacker, Gabriel, Danny Welbeck, Carl Jenkinson, Alex Iwobi iyo  Aaron Ramsey dhamaan waxa ay kulankan ku seegi doonaan dhaawacyo.

– Alexis Sanchez waxa uu bartamihii toddobaadkii hore u dheelay Chile waxa ayan shaki galineysaa in uu ciyaari karo maanta.

-Southapton lama filayo in ay isbadalo badan sameyso.

LA SOCO

-Arsenal kulan qura ayey badisay lixdii isugu dambeeysay Southampton dhamaan tartaamada.

-Saints hal gool ayey ka dhalisay Emirates afartii jeer ee ugu dambeeysay oo ay Premier League soo booqatay.

-Arsenal 21 kulan oo xiriir ah guul darro kalama aysan kulmin Southampton marka martida loo yahay.

-Arsenal laba kulan oo xiriir ah lagama badin tan iyo 2011 Premier League.

 

SAFAFKA LA FILI KARO

Ciyaaryahanada Arsenal: Cech, Ospina, Debuchy, Bellerin, Holding, Koscielny, Mustafi, Gibbs, Monreal, Coquelin, Elneny, Xhaka, Cazorla, Oxlade-Chamberlain, Ozil, Sanchez, Walcott, Iwobi, Lucas, Akpom, Giroud.

Ciyaaryahanada Southampton: Forster, Martina, Van Dijk, Fonte, Yoshida, Soares, Bertrand, Targett, Clasie, Davis, Ward-Prowse, Romeu, Tadic, Long, Austin, Juanmi, McCarthy, Redmond.

Gegida: Emirates

Saacadda Geeska Africa: 5Pm

Dhex dhexaadiyaha: Robert Madley

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close