Balotelli waa bastoolad Amaan-laay ah” – Rod Fanni

(Nice) 10 Sebt 2016 – Daafaca dadabka midig ee kooxda Marseille ee Rod Fanni ayaa laacibka Nice ee Mario Balotelli ku misaalay waxa loo yaqaanno “Russian roulette”, jeer uu laacibka reer Talyaani todobaad-dhamaadkan safan karo kulan-bilowgiisa Legue 1, marka ay Les Aiglons soo dhoweeyaan OM oo kula ballansan Allianz Riviera.

“Balotelli waa Russian roulette, waa fiican yahay marka uu madaxiisu saaxi yahay, waase eber marka uu xanaaqo” ayuu Fanni ka sheegay shir jaraa’id isagoo sheegay inaysan yaraysan doonin Balotelli iyagoo maanka ku haya uun fashilkii qabsaday fasalladii ugu dambeeyay.

“Waxaan qabaa inay tahay inuu is muujiyo, kolleey qabkiisu hoos buu u dhici doonaa maaddaama uu yimid Nice. Marka maaddaama uu is muujinayo annaguna yaraysan maynothink he must have a point to prove, his pride will have taken a hit in coming to Nice. That’s how I see it.” ayuu raacshey.

Yeelkeede, isla shirkan jaraa’id, macallinka Nice ee Lucien Favre ayaa qishay in Super Mario uusan weli diyaar ahayn, taasoo shakiba gelin karta inuu safanayo kulankan gebi ahaanba.

Russian Roulette: Waxaa la yiraahdaa bastoolad amaan-laay ah oo ay hal xabbo ku jirto ama ay hal xabbo ka maqan tahay oo maashka la iska saaro qaab naf ku khamaaris ah.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close