Ruud Gullit “Rooney intan wuu ka sii fiicnaan lahaa haddii tababareyaashu ay ka ciyaarsiin lahaayeen hal boos”

slovakia-v-england-world-cup-2018-qualifying

(Manchester), 08  Sebt 2016   –Xidiggii hore ee Reer Holland, Ruud Gullit ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Kabtanka kooxda Manchester United, Wayne Rooney uu heerkiisa ciyaareed intan ka sii fiicnaan lahaa haddii tababareyaashu ay ka ciyaarsiin lahaayeen hal boos, halka haatan ay dhowr boos oo kala duwan ka dheelsiiyaan.

“Waxay u muuqataa in ciyaarihiisa uu ku dhameysanayo isagoo boos la’aan ah” ayuu Gullit u sheegay ‘the Mirror’.
Rooney oo 30 jir ah, ayaa mar hore dhaafay Rikoorkii Sir Bobby Charlton ee Ingiriiska ee xagga gool dhalinta, halka sidoo kalena rikoor aan la gaari karin uu u sii dhigayo Manchester United.

Ka hor kulanka Derby Manchester ee Sabtida ayuu Gullet xusay inuu qabo in haddii Rooney hal boos ciyaareed loo deyn lahaa taariikhda baal dahab ah ka geli lahaa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close