RASMI: Laacibkii kooxda Liverpool ee Jose Enrique oo ku biiray Real Zaragoza… (Goorma ayaa saxaafadda loo soo bandhigayaa?)

(Zaragoza) 08 Sebt 2016 – Kooxda kubadda cagta ee ka dhisan heerka labaad ee Waddanka Spain Real Zaragoza ayaa ku dhawaaqday inay si xor ah kula soo wareegtay difaacii hore ee kooxaha Newcastle iyo Liverpool Jose Enrique.

30-sano jirkaan ayaa soo geba-gebeeyay shan sanadood oo uu joogay kooxda Liverpool, kaddib markii ay Reds iska fasaxday bishii May.

Jose Enrique ayaa kaliya saftay 21 kulan oo kooxda koowaad ee Liverpool saddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay.

Hadda waxa uu Enrique heshiis labo sannadood ah u saxiixay kooxda Zaragoza si uu dib ugu soo kiciyo waayihiisa ciyaareed.

Kooxda Zaragoza ayaa kulan Copa del Rey oo ay la ciyaartay naadiga Valladolid waxaa xalay looga adkaaday 2-1, daafacan ayayna Zaragoza saxaafadda u soo bandhigi doontaa maanta oo Khamiis ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close