Neymar oo ku kalsoon inuu wajahayo Alaves

ney

(Catalonia) 08 Sebt 2016. Waxaa la arkaa inuu daalan yahay Neymar maadaama uu ku howlanaa waajibaad xulkiisa qaranka balse wuxu filanayaa inuu durba ka soo muuqdo kulanka sabtida ay kooxdiisu la yeelan doonto Alaves.

Xiddiga reer Brazil ayaa xulkiisa ka caawiyay inay guulo ka gaaraan Ecuador iyo Colombia isree-reebka koobka adduunka ee 2018 isagoona hal gool dhaliyay.

Neymar ayaa dib ugu soo laabtay Spain arbacadii, maalmo ka hor kulanka ay Barca Camp Nou ku soo dhaweynayso Alaves.

Neymar confident of facing Alaves

Inkastoo ay jirto inuu daalan yahay, wuxuu sheegay 24-jirka inuu ku kalsoon yahay inuu kooxdiisa ka soo muuqdo markii ugu horreysay kal ciyaareedkan cusub.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan guriga joogo. Miyaan u muuqdaa mid ciyaaraya sabtida? Haa,” Neymar ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

“Waan yare daalanahay iminka. Waxaan u baahanahay inaan nasto dabadeedna aan tababarka la bilaabo saaxiibadeyda.

Neymar la’aantii, Barcelona way adkaatay labadii kulan ee ugu horreeyay xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close