Juventus oo amaah ku dooneysa Matteo Darmian

matteo-darmian-592605

(Turin) 08 sebt 2016. Juventus ayaa la soo warinayaa in ay bisha Janaayo oo uu furmayo suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada amaah ku dooneyso Matteo Darmian oo ka tirsan Manchester United.

Darmina oo ay da’diisu tahay 26, ayaa gabi’ahaanba u muuqda mid lumiyey kalsoonidii Jose Mouriho walina kulan ugama soo muuqan.

Antonio Valencia ayaa ololahan ku bilowday isaga oo ah dookha kowaad ee dambeedka muddig, yeelkeede, Darmian waxaa loo ogolaan doonaa in uu amaah ku tago.

Darmian 39 kulan oo kal hore u dheelay Manchester United kaddib markii uu Torino uga soo wareegay xagaagii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close