“Diyaar ayaan u nahay inaan garaacno Liverpool” – Claudio Ranieri

(Leicester) 08 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Leicester City Claudio Ranieri ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay u safrayso kooxda Liverpool bilowga isbuuca nagu soo aadan.

Claudio Ranieri ayaa sheegay in dhamaan ciyaartoydiisu ay taam u yihiin kulankaas muhiimka ah, wuxuuna intaa ku daray inay isku dayi doonaan inay guul ka gaaraan kooxda macalin Klopp.

Ranieri oo qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka sabtiga ayaa yiri:

“Nasiib wanaag, ma jiro laacib naga dhaawacan, dhamaan ciyaartoydu waxay soo laabteen iyaga oo ka adag sidii hore, Liverpool waa koox aad u adag, sabtiga waxaan la ciyaari doonaa kulan adag”.

“Waxaan u aadaynaa Liverpool inaan isku dayno oo aan guulaysano, waxaan nahay kooxda horyaalka, dhankeena kulanku waa mid nagu adag laakiin iyagaba waa uu u adagyahay”.

“Aad ayaan u adagnahay siwada jir ahna waan u ciyaaraynaa, diyaar ayaan u nahay inaan isku dayno inaan garaacno iyaga”.

Claudio Ranieri ayaa xaqiijiyay in goolhayihiisa Kasper Schmeichel uu diyaar u yahay kulanka kadib qaliin lagu sameeyay, sidoo kale wuxuu cadeeyay in Islam Slimani uu diyaar u yahay kulanka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close