Ciyaaryahan Somalia oo garoommada ka maqnaan doona muddo 3 Toddobaad ah

thumb

(Toulouse), 08 Sebt 2016     –Laacibka Khadka Dhexe ee kooxda Toulouse ee Waddanka Faransiiska ee lagu magacaabo Somalia ayaa lagu warramayaa in uu garoommada ka maqnaan doono muddo saddex toddobaad ah kaddib dhaawac ka soo gaaray muruqa.

Tababaraha kooxda Toulouse, Pascal Dupraz ayaa xaqiijiyay dhaawaca ciyaaryahankan oo seegi doona kulanka Sabtida uu naadigiisu la dheeli doono Bastia ee ka tirsan Horyaalka Faransiiska.

Xidiggan Khadka dhexe ee 27 sano jirka ah ayaa u dhashay waddanka Brazil, waxaana magiciisa Wergiton do Rosario Calmon, balse waxa uu caan ku yahay magaca uu isticmaalo ee Somalia, waxaana xilli ciyaareedkan uu kooxdiisa u saftay 3 kulan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close