Ancelotti oo xaqiijiyay in Sanches uu taam u yahay kulanka Schalke balse muxuu ka yiri xaalka Robben iyo Boateng?

(Munich) 08 Sebt 2016 Tababaraha kooxda Bayern Munich ee Carlo Ancelotti ayaa qabtay shirka jaraa’id ee ka hor kulanka ay u safri doonaan habeen dambe kooxda Schalke.

Ancelotti ayaa xaqiijiyay in saxiixiisa cusub ee Renato Sanches uu taam u yahay 100% kulanka barri ay u safrayaan kooxda Schalke.

Dhanka kale tababaraha ayaa sheegay in Robben iyo Boateng ay dib ugu soo laaban doonaan tababarka kooxda axada nagu soo aadan, wuxuuna cadeeyay in weerarkiisu uu noqon doono Ribery, Muller iyo Lewandowski.

Image result for Ancelotti and Renato Sanches

“Renato Sanches waa diyaar 100%, ma jiro wax dhib ah oo haysta isaga, waxaan ka filayaa inuu soo bandhigi doono wax walba oo karaankiisa ah” ayuu u sheegay saxaafada.

“Robben iyo Boateng sifiican ayeey u qaateen tababarka kalinimada isbuucaan, waxayna dib ugu soo laaban doonaan kooxda axada”.

Ancelotti oo ka hadlay taam ahaanshaha Vidal ayaa sheegay in laacibku uu maanta soo gaari doono xarunta kooxda, wuxuuna intaa ku daray inuu ka mid noqon doono ciyaartoyda u safraya Schalke.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close