Amaan afkaaga kugu horreeya: Alexis Sanchez oo ka dhawaajiyay inuu ku heer yahay Messi iyo Ronaldo

labo

(London) 08 Sebt 2016. Waxaa la yiri amaan afkaaga kugu horreysa, weeraryahanka Arsenal Alexis Sanchez ayaa aaminsan inuu ku heeryahay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo lagu tilmaamo labo ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa ebid kubbada cagta.

Sanchez ayaa Barcelona kala tirsanaa Messi, balse ka soo tagay Camp Nou xilli ciyaareedkii 2014-15 isagoo baadi goobaya boos joogta ah.

Weeraryahanka reer Chile ayaa Emirates Stadium ee kooxda Arsenal ka noqday mid ay ka helaan taageerayaasha Gunners kaddib markii uu dhaliyay 30-gool 68-kulan uu ka soo muuqday Arsenal.

http://i.dailymail.co.uk/i/pix/2014/08/02/

Messi iyo Ronaldo ayaa loo arkaa labada laacib ee ugu fiican kubbada cagta adduunka iyagoona xoog ku heystay abaal marinta Ballon d’Or sideedii sano ee ugu dambeysay.

Laakiin Sanchez ayaa aaminsan kuna kalsoon inuu ku heer yahay wiilashaas: “Waxaan gaaray heer halkaa aan kula tartami karo ciyaartoyda waa wayn.

 “Ma dareemayo inaan cidna ka heer hooseeyo ama aan ka liito.

“Waxaan leeyahay awooda Ronaldo iyo Messi oo kale.”.

Alexis ayaa Barcelona kula soo guuleystay La Liga iyo Copa de Rey halka uu Arsenal ilaa iminka uu kula guuleystay FA Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close