Alessio Romagnoli oo ka jawaabey sida uu u arko dalabkii qaaliga ahaa ee Chelsea

(Milano) 08 Sebt 2016 – Alessio Romagnoli ayaa sheegay inuu “ku faraxsan yahay inuu baaqi ku noqday” kooxda AC Milan oo lacag fara badan ka diiddey kooxda Antonio Conte ee Chelsea.

Waxaa lasoo weriyay in naadigan reer Premier League uu soo diray dalab ku kacayay €50m oo uu ku doonayey daafacan aasaaska u ah xulka da’yarta 21-jirrada Talyaaniga.

“Xaqiiqada dalabku waa mid iga farxinaya, waxaase kasii farxad badnaa inay Milan tiri maya,” ayuu Romagnoli u sheegay warfidiyeenka oo joogey munaasabad iidheh ah.

“Tani waxay isiinaysaa fursad aan kusii koro, waana ku faraxsanahay inaan Milan sii joogo, waayo madaxwayne Silvio Berlusconi lacag badan buu igu khasiray waana mid i farxad gelinaysa.” ayuu raaciyay.

Romagnoli ayaa markii hore loogu yeerey xulka qaranka waawaynka ee Azzurri oo uu layliyo Giampiero Ventura, balse waxaa looga maarmi waayay xulka 21-jirrada oo dheelayay 2 kulan oo muhim ahaa kuwaasoo uu kusoo baxay.

“Waan ku faraxsanahay in la iigu yeerey xulka qaranka La Nazionale, balse waa uun ii bilow. In Milan ay laacibiin sidan u badan ku yeelato kulamada caalamiga ihi waxay muujinaysaa inaan meel fiican marayno, waana rajaynaa inaan keenno natiijo ka fiican kuwii sanadihii tegey.” ayuu rajeeyay.

b

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close