Xulka Uruguay oo xaaqay Paraguay, xilli ay shabaqa soo wada taabteen Edinson Cavani iyo Luis Suarez… (MUUQAAL + SAWIRRO)

uruguay

 (Uruguay) 07 Sebt 2016 –  Xulka Uruguay ayaa 4-0 uga adkaaday dhiggooda Paraguay oo marti u ahaa kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Adduunka, waxaana shabaqa wada gaaray kulankan Edinson Cavani iyo Luis Suarez.

Wiilasha tababare Oscar Tabarez ayaa dardar ku soo galay ciyaarta waxaana ay taasi ka saacidday inay saddex gool dhaliyaan qeybta hore ee ciyaarta.

Edinson Cavani ayaa 18’daqiiqo goolasha u daah furay Uruguay, waxaase kii labaad daqiiqadii 42-aad raacsaday Cristian Rodriguez, dhammaadkii qeybta horena waxaa ciyaarta 3-0 ka dhigay Luis Suarez, sidaas ayaana lagu kala nastay.

Cavaniq1

Qeybtii labaad ee kulankan markii dib la isugu soo laabtay Edinson Cavani ayaa markale shabaqa soo taabtay goolkiisa labaad ee kulankan ayuuna dhaliyey 55’daqiiqo, sidaas ayeyna xulka Uruguay 4-0 uga adkaadeen dhiggooda Paraguay, waxaana ay hadda fikta sare ka dhiyaan guruubka iyagoo leh 16-dhibcood.

Kulamaddii kale ee la ciyaarayna waxaa ka mid ah xulka Chile ayaa barbaro goola la’aan 0-0 la galay Bolivia, halka Ecuador ay guuldarro 2-1 kala kulmeen Peru.

Suarez

DAAWO MUUQAALKA GOOLASHII KULANKA URUGUAY IYO PARAGUAY:-


Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close