“Waxkasta waan kula soo guuleystay Chelsea, waxaa la joogaa waqtigii aan kula guuleysan lahaa Premier League.” David Luiz

luiz

(London) 07 Sebt 2016. Daafaca reer Brazil David Luiz ee sida lama filaanka ah dib ugu soo laabtay Chelsea maalinkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa ka dhawaajiyay inay ka go’antahay inuu Premier League kula guuleysto Blues.

29-jirka daafaca dhexe ayaa saddexdii sano uu ku sugnaa Stamford Bridge kula guuleystay, Champions League, Europe League iyo FA Cup balse wuxuu iminka u faruuryo qaniinsanayaa Premier League.

“Waa waqtigii aan ku guuleysan lahaa Premier League, waxaana rajeynayaa inay sanadan noqoto,” David Luiz ayaa sidaa yiri.

“Si adag ayaan uga shaqeynayaa midaa, waana yoolkeena kal ciyaareedkan.

“Ma heysano Champions League oon ku dagaallano sidaa darteed waxaa hubaal ah inaan isku dayi doono inaan ku guuleysano Premier League iyo labada koob.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close