Sadio Mane oo guuleystay laacibka bishii Agoosto ee kooxda Liverpool

Crvvp28WAAA8x8M

(Liverpool) 07 Sebt 2016 – Sadio Mane ayaa lagu abaal-mariyey maanta bilowgiisa heerka sare ah ee xirfaddiisa kooxda Liverpool, waxaana loo magacaabay xiddiga bishii Agoosto ee kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan 2016-17.

Weeraryahanka xulka qaranka Senegal ayay xagaagan kala soo saxiixdeen kooxda Southampton, waxaana bishii Agoosto kulamadii uu u ciyaaray Reds soo bandhigay wax cajiib ah.

Mane oo ciyaaray dhammaan saddexdii kulan ee Premier League ay dheeshay kooxdiisa Liverpool bishaas Agoosto ayaa waxa uu ka dhaliyey Arsenal kulankii 4-3 ay uga adkaadeen kulankoodii furitaanka horyaalka Ingiriiska gool tartan u gali kara goolka xilli ciyaareedkan lagu guda jiro.

Sadio Mane ayaa helay 77% codadkii la dhiibtay, halka Philippe Coutinho  oo galay kaalinta labaad uu uruursaday codad gaaraya 11%, codadka taageerayaasha kooxda Liverpool.

Halkaan hoose ka daawo waxa uu bishii Agoosto u qabtay Mane kooxda Liverpool:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close