Eric Bailly oo durba loo magacaabay laacibka BISHA ee Man United

CrwmTY4XYAEljDd

(Manchester) 07 Sebt 2016. Daafaca cusub ee Man United Eric Bailly ayaa durba gacanta ku dhigay abaal marinta laacibka bisha Agoosto ee Red Devils.

Laacibka ka soo jeeda qaarada Afrika ayaa wacdaro ku bilowday Premier League iyadoo ay Man United lacago xoog leh ay kaga soo iibsatay kooxda Villarreal xagaagan.

Ibrahimovic ayaa sidoo kale bandhig fiican ku bilowday sanadkiisii ugu horreeyay ee Man United balse Bailly ayaa gacanta ku dhigay abaal marinta laacibka bisha.

Yeelkeede, Man United ayaa kulamo muhiim ah waayi doonta daafacan birta ah maadaama uu xulkiisa Ivory Coast ku mateli doono koobka qaramada Africa ee bilaabanaya bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close