DERBY D’ITALIA: Iibsiga tigidhada kulanka Inter-Juve ee todobaadka 4-aad oo xawaare ku soconaya!

(Milano) 07 Sebt 2016 – Maalinta 4-aad ee shintiriska horyaalka Talyaaniga waxaa foolka isku diiraya kooxaha Inter Milan vs Juventus oo ciyaaraya kulanka Derby D’Italia.

Haddaba, waxaa la sheegayaa in durba ay gabaabsi yihiin tigidhada kulankan adag ee Inter-Juventus oo ku qabsoomi doona San Siro ahna kulan aad u xiise badan marka ay timaaddo xafiiltanka labada kooxood ee soo jireenka ah, kaasoo iminka dhaafay 60 kun.

Kulankan oo San Siro ku qabsoomi doona Axad, 18-ka Sebtember ayaa sanadkii hore waxaa daawatay 79,154 oo taageere, taasoo ay kasoo xarootay 3.7 milyan oo euro oo rikoodh jebis ahayd.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close