DAGAALKA TWITTER-KA: ”Carragher haddii aad tahay taageere Balotelli funaanaddiisa waad naga dalban kartaa” – Nice oo jawaab jees jees ah bixisay!

(Nice) 07 Sebt 2016 – Waxaa maalmihii dhowaa isku dhegganaa laacibka falanqeeyaha ciyaareed isu rogey ee Jamie Carragher iyo qannaaska Nice ee Mario Balotelli.

Haddaba, sheekadan oo maalmahan ka shidnayd Twitter-ka ayaa weji cusub qaadatay kaddib markii uu so la yaab leh usoo galay naadiga Balotelli ee Nice.

Jaime oo daardaarka bilaabay ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray in Super Mario uu Kubadda Dahabiga ah kula guulaysan doono Nice, deetana kooxda oo fahamtey jeesjeeska warkaas ka muuqda ayaa Twitter-keeda uga jawaabtey war la yaab leh oo u dhignaa sidatan:

”Heey! @Carra23, waxaad u egtahay sida taageere wayn oo SuperMario leeyahay. Waxaad funaanaddiisa ka codsan kartaa dukaamadeenna.”.

b

b1

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close