Barcelona oo la soo saxiixatay INA Messi xilli maalin uun ka hor uu Lionel Messi sheegay in WIILKIISA uusan ku fiicneyn kubbada cagta

ina

(Catalonia) 07 Sebt 2016. Barcelona ayaa la soo saxiixatay wiilka Lionel Messi ee Thiago Messi iyadoona rajeynaysa inuu mustaqbalka fog la soo bixi doono wacdaraha aabihii oo kale.

Sida ay sheegeyso jariiradda Mundo Deportivo ee ka soo baxda Spain in Barca ay leedahay Akaadamiyad gaar u ah caruurta saddex jirka ilaa 5-jirka ah halkaa uu ku biiri doono saddex jirka Messi ee Thiago.

Campeonesssssss !!!!!!!!!! Vamossss carajooooo

A photo posted by Leo Messi (@leomessi) on

Sheekadan ayaa imaaneysa maalin uun ka hor mar uu Lionel Messi ka dhawaajiyay in wiilkiisu uusan ku fiicnayn kubbada cagta.

Messi ayaa si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka cusub kaddib labo gool uu dhaliyay labadii kulan ee furitaanka horyaalka La Liga.

Laakiin, waxaa Barca maroor dilaaciyay aqbaarta sheegeysa in Messi uu muddo garoomada ka maqnaan karo kaddib dhaawac muruqa ah ee lugtiisa bidix.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close