Yaa kabtan u noqon doona xulka Brazil kulanka ay wajahayaan Colombia?

Brazil

(Brasilia) 06 Sebtembar 2016 – Dani Alves ayaa noqon doona kabtanka xulka qaranka Brazil kulanka Talaadada ay wajahayaan dhiggooda Colombia ee isreeb-reebka koobka Adduunka, sida uu xaqiijiyey tababaraha xulkaas ee Tite, walina calaamadda Kabtannimo ee xulka waa mid ku meel gaar ah.

Miranda ayaa hoggaaminayey xulka kulankii ay Khamiistii guusha ka gaareen Ecuador, tababare Tite ayaana go’aansaday inuu calaamadda kabtannimo ku wareejo Dani Alves.

Kabtankii hore ee Brazil Neymar ayaa iska calisalay bishii hore inuu hoggaamiyo xulka kaddib guushii uu ka soo hooyey ciyaarihii Olombikada.

33-sano jirkaan Dani Alves ee hoggaamin doona xulka Brazil kulanka Colombia ayaa 96 kulan u saftay xulkiisa.

Shaxda macquulka ah ee xulka Brazil kala hortagayo Colombia: Alisson, Dani Alves, Marquinhos, Miranda, Marcelo, Casemiro, Paulinho, Raugusto, Willian, Neymar. Gabriel Jesus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close