Kooxda Barcelona oo doonaysa inay heshiiska u ballaariso goolhaye Marc-Andre ter Stegen

marc

(Barcelona) 06 Sebtembar 2016 – Barcelona ayaa indhaha ku haysa sidii ay u sii ceshan lahayd xiddigeheeda muhiimka ah mustaqbalka, Madaxweyne Josep Maria Bartomeu ayaana doonaya inuu qandaraaska u kordhiyo goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa ku mashquulsanayd suuqa kala iibsiga ee la xiray toddobaadkii la soo dhaafay, waxaana haatan ay doonayaan inay sii haystaan xiddigahooda tayada leh.

Barca xiddigaha kale oo ay doonayso inay heshiisyada u kordhiso bilaha soo socda waxaa ka mid ah Lionel Messi, Luis Suarez iyo Ivan Rakitic.

Hadda Bartomeu ayaa hadalkiisa raaciyay in Ter Stegen uu ku jiro liiska xiddigaha ay heshiiska ka saxiixanayaan, inkastoo xiddiga xulka qaranka Jarmalku uu 24-sano jir yahay, welina saddex sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Camp Nou.

“Ter Stegen waa qeyb aasaasi ah ee mustaqbalka Barcelona,” ayuu Bartomeu u sheegay RAC1.

“Rakitic, Suarez iyo Messi, iyagana waa naga go’an tahay inaan heshiisyo ka saxiixno.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close