AFCON 2017: 16-ka xul ee ka qeyb gali doona Koobka Qarammada Afrika ee 2017 oo la shaaciyey

CriYMkhXgAAcLCy

(Gabon) 06 Sebtembar 2016 – Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay 16-ka xul qaran ee ka soo muuqan doona Koobka qarammada Afrika ee la ciyaari doona horraanta sanadka cusub ee 2017, kaddib markii la soo xiray heerkii guruubyada ee Koobka AFCON 2017 oo lagu qaban doono dalka Gabon.

Xulka qaranka Uganda ayaa markii ugu horreysay u soo baxay koobka qarammada Afrika tan iyo sanadkii 1978-kii, waana muddo haatan laga joogo 38-sanadood.

Ivory Coast oo ah xulka difaacanaya koobkan ayaa sidoo kale ka mid ah xulalka 16-ka ah ee ka qeyb gali doona koobka Qarammada Afrika 2017.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 16-ka xul qaran ee ka qeyb gali doona Koobka Qarammada Afrika 2017:-

1- Gabon

2- Burkina Faso

3- Cameroon

4- Cote d’Ivoire

5- DR Congo

6- Egypt

7- Ghana

8- Guinea Bissau

9- Mali

10- Senegal

11- Algeria

12- Tunisia

13- Uganda

14- Zimbabwe

15- Togo

16- Morocco

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close