Ronaldo: Malaha waxa uu ahaa ololahaygii ugu wacnaa waayahayga

1473016087_444311_1473018485_sumario_normal

(Madrid) 05 Sebtembar 2016. CristianoRonaldo  ayaa ku tilmaamay ololihii hore midkii ugu wanaagsanaa ee waayihiisa.

Laacibka Portugal oo ku guuleystay bishii hore laacibka ugu wanaagsan Europe ayaa hadana filaya Ballon d’Or-kiisii afraad.

Waxa uu yiri:  “Waxaan ku guuleysanay Champions League waxaana ahaa dhaliyihii ugu sarreeyey ee tartanka. Waxa uu ahaa dhabtii mid ka mida xilli ciyaareedyadeydii ugu wanaagsanaa waayahayga.”

Isaga oo ka hadlaya gool ku laadkii ugu dambeeyey ee Champions League: “Wadnahayga wuu garaacmayey markii aan u soo dhaqaaqay tuurashada goolku laadka aniga oo ogaa in ay noqon karto midkii go’aamiyaha ahaa. Isla waqtigaas waxaan kalsooni ku qabay in aan dhalinayo oo aan Real Madrid ka caawin doono hanashada koobkeedii 11-naad ee Europe.”

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close