Mustaqbalka Pepe ee kooxda Real Madrid oo aan kala cadayn

(Madrid) 05 Sab 2016 Daafaca kooxda Real Madrid iyo xulka Portugal ee Pepe ayaa wajahaya dhibaato cusub oo dhanka mustaqbalkiisa ah.

Qandaraaska 33 jirka reer Portugal ee kooxda Real Madrid ayaa ku eg dhamaadka xiliciyaareed kan, mana muuqato wado looga saxiixayo heshiis cusub haatan sida ay shaacisay Defanse Central.

Pepe ayaa ah laacibka kaliya ee haatan ku sugan Real Madrid isla markaana qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareed kan taas oo shaki sii galinaysa waayihiisa garoonka Bernabeu.

Pepe

Real Madrid ayaa u muuqata koox abuuraysa jiil cusub oo da’yar, wararka ayaana sheegaya in mustaqbalka Pepe ee Real uu kujiro shaki wayn.

Siwalba oo ay ahaataba Pepe ayaa la filayaa inuu la fariisto maamulka Real Madrid ka hor bisha janaayo, markaas oo uu heshiis lagaari karo kooxdii uu doono.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close