Mkhitaryan oo aan hubin inuu taam u noqon doono kulanka Derby Manchester

(Manchester) 05 Sebt 2016 Laacibka kooxda Man United ee Henrikh Mkhitaryan ayaa shaki galiyay taam ahaanshihiisa kulanka adag ee kooxdiisu ay marti qaadi doonto sabtiga kooxda Man City.

Henrikh Mkhitaryan ayaa ku dhaawacmay kulan xulkiisa uu ciyaarayay isbuucaan, laakiin laacibka ayaa sheegay inuusan hubin inuu ciyaari karo iyo inkale.

Man United oo guul gaartay 3-dii kulan ee ugu horeeysay horyaalka ingiriiska xiliciyaareed kan ayaa 2:30 PM sabtiga marti qaadi doonta kooxda Man City oo ay aad u xafiiltamaan.

“Ma hubo inaan taam u ahay kulanka Derbiga, laakiin waxaan u dhiiroonahay inaan awoodayda isugu geeyo sidii aan taam u noqon lahaa waqtiga ugu dhaw” ayuu ku soo qoray Boggiisa Twitter-ka.

Wararka ayaa sheegaya in laacib kaan ay u badantahay inuu seego kulanka sabtiga, laakiin laacibka ayaa isku dayi doona inuu ka soo muuqdo kulankaas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close