Messi oo shaki laga muujinayo inuu ciyaari karo kulanka Alaves

Messi-Betis-1024x682

(Barcelona) 05 Sab 2016 Kooxda Barcelona ayaa ka taxadari doonta xaalada caafimaad ee laacibkeeda Lionel Messi kaas oo shalay dib ugu soo laabtay kooxda kadib dhaawac soo gaaray.

Laacib kaan ayaa ku dhaawacmay kulankii xulkiisa uu ka caawiyay guusha jimcihii markaas oo Argentina ay 1-0 uga adkaatay Uruguay.

Messi ayaa laga saaray ciyaartoyda xulka Argentina ee ka hortagi doona xulka Venezuela isreeb reebka koobka aduunka ee 2018 kadib markii uu dib ugu laabtay kooxdiisa Barcelona.

Messi

Wararka ayaa sheegay in Barcelona aysan ku qamaari doonin laacibkeeda Messi kulanka ay sabtiga marti qaadi doonaan kooxda Alaves horyaalka Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close