Lionel Messi oo ugu dambeyn sharaxaad ka bixiyay sababtii uu TINTA u caddeystay

mes

(Catalonia) 05 Sebt 2016. Lionel Messi ayaa tinta caddeystay ama midabeeyay dhammaadka bishii July iyadoo uu iminkana daaha ka rogay sababtii ka dambeysay inuu tinta sidaa ka dhigto.

Laacibka 5-ta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa dhex galay mashaqo iyadoo lagu heystay lacago isdaba marin canshuuraad oo markii dambe lagu ganaaxay iyo cadaadiskii ka saarnaa xulka qarankiisa Argentina oo uu markii dambe ka dhawaajiyay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah waloow uu iminka ka laabtay go’aankaas.

Argentina lost the Copa America final against Chile in June, after which Messi retired

Dhibaatooyinkaa darteed ayuu Messi ku sheegay inay ku kaliftay inuu tinta ceynkaa ka dhigto.

“Waxaan isbadelka u sameeyay si aan uga soo bilaabo halka ugu hooseysa (Zero),” Messi ayaa sidaa u sheegay mid ka mid ah TV-yada dalkiisa Argentina.

“Waxaan ka soo baxay khilaafaad badan waxyaabo  igu dhacay aniga waxaana nafsadeyda ku iri: ‘Waa inaad ka nasataa midaan aadna markale dib u bilwdaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close