Kooxaha Inter Milan, Chelsea & Paris Saint-Germain oo isku haysta Victor Lindelof

(Yurub) 05 Sebt 2016 – Kooxaha Inter Milan, Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa bisha Jannaayo isku garbin doona saxiixa laacibka kooxda Benfica ee Victor Lindelof.

Yeelkeede, 22-jirkan reer Sweden ayaan rakhiis ku iman doonin maaddaama uu haatan faraha kula jiro qandaraas cusub oo lagu kansali karo €30m.

Sicirkaas ayaana kordhi kara haddii lacalla laga dhaadhiciyo in qandaraadkaas la kordhiyo iyadoo qiimihiisu gaari karo €45m.

Inter ayaa aad u danaynaysa laacibka, waa inay ka sara maraan Chelsea iyo PSG, iyagoo faa’iidada qura ee ay qabaan ay tahay xiriirka wanaagsan ee ay la leeyihiin wakiilka laacibka oo ah Fali Ramadani, kaasoo sidoo kale wakiil ka ah Stevan Jovetic sidaa dareedna la macaamila maareeyaha Iner ee Piero Ausilio.

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close