Kaddib guuldarradii ka soo gaaray Spain xiddigaha xulka Belgium oo tababarka dib ugu soo laabtay… + SAWIRRO

(Brussels) 05 Sebtembar 2016 – Xiddigaha xulka qaranka Belgium ayaa tababarka dib ugu soo laabtay, kaddib guuldarradii 2-0 ee wiilasha macallin Roberto Martinez ka soo gaartay Spain.

Hadda waxa ay tababarkan isugu diyaarinayaan kulankooda ugu horreeya ee isreeb-reebka koobka Adduunka 2018 oo ay Talaadada soo aaddan la ciyaari doonaan Cyprus.

Romelu Lukaku, Eden Hazard iyo Kevin De Bruyne ayaa ka mid ahaa xiddigaha ka soo muuqday tababarka xulku ku qaadanayey meel ku dhow magaalada Brussels.

Shaxda xulka Belgium waxaa u badan oo ka buuxa xiddigo ka ciyaara horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

SAWIRRO:

1

2

3

4

5

6

7

Belgium

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close