Douglas Costa oo lacajabay habka Ancelotti uu ula qabsaday Bayern Munich

Image result for Douglas Costa and Ancelotti

(Munich) 05 Sab 2016 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Douglas Costa ayaa layaab ay ku noqotay sida dag daga ah ee tababare Ancelotti uu ula qabsaday kooxda.

Douglas Costa ayaa ku soo biiray kooxda Bayern Munich xaggaagii 2015 waqtigaas oo kooxda uu laylinayay tababaraha haatan layliya Man City ee Pep Guardiola.

25 jirka reer Brazil oo la hadlay wargayska Kicker ee dalka Germanka ayaa yiri:

“Waxaan layaabay sida dag daga ah ee Ancelotti uu ula qabsaday kooxda, waan arki karaa farqiga qaab ciyaareed ee gudaha garoonka”.

“Waxaan noqonay kuwo si adag u ciyaara, inbadana waan cadaadinaynaa kubadda, isbadalka qaab ciyaareedka ayaa si cad u cadaynaya tayada tababaraha”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close