”Dad baa yiraahda EPL waa horyaalka ugu wanaagsan, lkn LA LIGA ayaa ugu wanaagsan, Serie A-na uma xuma sida loo dhigayo” – Paul Scholes oo saluugay tayada EPL!

(London) 05 Sebt 2016 – Paul Scholes ayaa sheegay inuu hubo in “Juventus ay garaaci karto koox kasta” oo ka dhisan Premier League isagoo diidey wararka sheega in Serie A “uu caajis yahay.”

Halyeeygii hore ee Manchester United iyo England ayaa tilmaamay inay runta aqbalaan dadka aaminsan in horyaalka Ingiriisku uu ka fiican yahay horyaallada kale.

“Waxaad maqlaysaa dad leh horyaalka Ingiriisku waa midka ugu wanaagsan. Waxay ila tahay in Spain uu yahay horyaalka ugu wanaagsan,” ayuu Scholes u sheegay The Guardian.

“Germany waxay leedahay kooxo naga wanagsan. Talyaanigu ma laha qoto dheer oo heer sarreeysa. Waxay leeyihiin kubadda Talyaanigu waa liidataa, lkn ilama aha inay dadka Ingiriisku arrintaa u fiirsadeen. Taasi run maaha.” ayuu raaciyay.

“Kooxda Juventus way garaaci lahayd koox kasta oo horyaalka EPL ka dhisan. Way yimaaddeen sanadkii tegey si fudud bayna u garaaceen Manchester City. Balse waxaan iska haysannaa fasiraad ah inuu horyaalkaasi qashin yahay, oo ay difaac uun ku jiraan. Taasina run maaha.” ayuu ku dooday Scholes oo sidoo kale saluugey tayada horyaalka EPL.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close