Bergkamp iyo Henry oo midkood loo soo saadaalinayo inuu beddelo Wenger marka uu ka fariisto tababarenimada Arsenal

57cd78e64f2e8_BergkampHenry

(London), 05 September  2016    –Iyadoo Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger uu dhowaan u dabaal degi doono 20 sano guuradii ka soo wareegatay markii uu qabtay hoggaanka naadigaasi 12-ka sanadood sugaya in ay ku guuleystaan Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan ayaa waxaa la saadaalinayaa in ay noqon karto geba-gebadii tababare Wenger ee kursiga Gunners.

Wenger oo 66 sano jir ah ayaa qandaraaskiisa Arsenal uu ku eg yahay xilli ciyaareedkan waloow la filayo in loo kordhiyo ayaa haddana ay su’aashu ka taagan tahay in uu sii wadan doono shaqadiisa iyo in uu soo geba-gebeyn doono.

Wargeyska ‘Evening Standard‘ ee Ingiriiska ayaa qoray in midkood xiddigihii hore ee Arsenal ee Dennis Bergkamp iyo Thierry Henry uu beddeli doono Wenger marka uu ka fariisto ciyaaraha.

Limpar oo ah xiddig hore oo u soo dheelay Arsenal, ayuu wargeysku sheegay in uu isagu aaminsan yahay in ay ku fiican tahay in Bergkamp loo magacaabo tababaraha Arsenal halka Henry-na laga dhigo tababare ku xigeen.

Gool FM

wenger

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close