Barcelona oo ka hadashay dhaawaca Lionel Messi

(Barcelona) 05 Sebt 2016 Kooxda Barcelona ayaa shaacisay in laacibkeeda Lionel Messi uu la dhibtoonayo dhaawac dhanka jilibka ah oo ka soo gaaray kulankii Uruguay.

Barcelona ayaa shaacisay in weerar yahankeeda ay kula dardaarantay in laga qafiifiyo tababarka maalmaha nagu soo aadan, soo laabashadiisa ayaana ku xiran hormarka uu ka sameeyo soo kabsigiisa.

Kooxda ayaa intaa ku dartay in Messi uu dhaawac ka qabo jilibka lugta bidix, Messi ayaana ciyaaray 90-ka daqiiqo dhamaan kulamada kooxda koowaad ee xiliciyaareed kan.

Photo published for Barcelona reconfirm Lionel Messi injury, no timetable for return

Kulamada Messi uu ciyaaray waxaa kamid ah labadii lug ee Super Cup-ka Spain iyo kulamadii horyaalka sida Betis iyo Bilbao, wuxuuna dhaliyay 3-gool.

Laacibka ayaa sidoo kale ciyaaray 90-ka daqiiqo kulankii xulkiisa Argentina uu 1-0 uga adkaaday xulka Uruguay, wuxuuna dhaliyay goolka guusha ee xulkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close