Alexandre Lacazette oo loo doortay Xidiggii ugu fiicnaa Horyaalka Faransiiska Bishii Agoosto

CrgSkFNWIAAKST2

(Paris), 05  September 2016    –Weeraryahanka kooxda Lyon ee Waddanka Faransiiska, Alexandre Lacazette ayaa loo magacaabay Laacibkii ugu wanaagsanaa Horyaalka Faransiiska Bishii Agoosto ee la soo dhaafay.

Midowga Xirfadleyda Kubadda Cagta Faransiiska ‘UNFP’ ayaa Lacazette u aqoonsaday xidiggii ugu fiicnaa bishaasi maadaama saddexdii maalmood ee ugu horreysay bishaas uu dhaliyay 6 gool, waxaana uu ka sare maray Lacazette xiddigihii kale ee qiimaynta kula jiray jiray ee Layvin Kurzawa (PSG) iyo Mustapha Diallo oo u dheela kooxda Guingamp ee Ligue 1 Faransiiska.

Dhinaca kale kooxda Lyon oo isku dayaysa in ay kooxaha soo damaacinaya ka ceshato dhaliyeheeda Lacazette ayaa u soo bandhigtay heshiis cusub oo uu Toddobaadkii ku qaadanayo 95,000 Euro, iyadoo haddii uu aqbalana qandaraaskiisa lagu burburin karo 70 Milyan oo Euro, balse intaas oo dhan Ayaan la ogeyn in ay qancin karaan Laacibkan iyo in kale.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close